alow yaa hibooy
ciidaan jeclaa iyo
calaq yaa ku geeyoo

caways kuugu tumoo
caano kula wadaagoo
farxad kugula ceeshoo

casarkii may tahay
dhulkoo cagaaroo
cawskuna ugbaadyay
ishu milicsanaysaa
yaa kugu casuumoo
cashar kugu cabsiiyo

yaa kaa caraabshoo
dacalada gada iyo
dalxiis wacan ku geeyoo

caways kuugu tuma oo
caano kula wadaagoo
calaf kugula qaybsada

Exit mobile version