Geeluba hareeriga
Iyo meesha hawdka le
Wuxuu ugu hanwaynyahay
Honkoraha kaliishiyo
Hanfigiyo kulaylaa
Inuu hoos fadhiiste
Har qabaw udgoontee

Ana himiladaydii
Ma ahayn inaan hodan
Haasawaheediyo
Hawraar macaaniyo
Hiil inaan ka waaye

Markii ugu horaysaybaan
Halacsigaa jaleecada
Hagar maan filaynine
Maantana hungaan ahay
Hamigayga been noqoy

Hogol aan daynbaan
Haamo maran u hoorsaday
Haraadban bastay ahay

La iskama hagoogtee
Aahaa aahaa
Waa la hubsadaayoo
Aahaa aahaa
Halkay hadimo kuu taal waa laga hayaama

Exit mobile version