ALLAHAYOW jaleecada
jimicsiga talaabada
waa mid lagu jeclaadee
yartu joogsi wacanaa

sida jaawa geeloo
jajabood caleemiyo
jiri ubadka loo dhigay
oo jeel ku raagtoo
waxay jamato waydee
iga garo jujuubada
sidaan kuugu jiidh go'ay

ALLAHAYOW jamaalkiyo
jaaheega wacaniyo
qalbigayga jantoo
cishqibaa i jiitee

Exit mobile version