jacayl aan xumaanayn
xushmadloo aan liicayn
xadhkana aan duminayn
ku xaqdhawra abid baa
kuu haya xabiibi
dahab iyo xariiriyo
hanti xoolo oo idil
xakim wuxuu I siiyana
xaq baad iila lleedahay
xubin qaaliyaa tahay
xubiyeey naftaydaay
xayaatadi aduunkaay
xasuus aan gudhayneey
xiska waxaad ku haysaa
ilaa aan xabaal galo
xagjirkaagiba noqoneey

laab xaadhanoo
xanaf aan lahaynoo
kalgacayl xanaano leh
aan xiiso dhicinbaan
xubi kuu hayaayo
xeeldheere waxaan ahay
xadhiga u dhexeeyee
xafidaaya reerkee
oo xigsiimadaada
ku xisaabtan waligaa
xubiyeey naftaydaay
xayaatadi aduunkaay
xasuus aan gudhayneey
xiska waxaad ku haysaa
ilaa aan xabaal galo
xagjirkaagiba noqoneey

Exit mobile version