nin jacayl haleelo
isagoo qalbiga dagay
oo uga xasuusiyo
sawirada habeenkii
la horkeenayaane

cakuhaadka dooliyo
heehaba samadiyo
oo qaadanban tiyo
hadafkiyo xogtaydiyo
hibo waxa tidhaahda

adna ha igu daadin
hababoo naftaydoo
helistaada mooye
hami kale ma yeeshe
hawraar i deeqdiyo
haye i jawaabo
hiilkii jacaylka ii noqo

nin jacayl heloo
heehaabay hawadoo
cadan kaaga dooney
haasawihii tegey
u haraaday awgaa

cakuhaadka dooliyo
hadalkayga hoo qaad
waa hawl jacaylkuye
ma ii hiilinaysaa
goorman ku helaya

adna ha igu daadin
hababoo naftaydoo
helistaada mooye
hami kale ma yeeshe
hawraar i deeqdiyo
haye i jawaabo
hiilkii jacaylka ii noqo

Exit mobile version