Munaay maankaad ku taalaa
Mid kuu dhiganta
Dhaayahaygu may arage
Hooy mid ku dhiganta
Dhaayahaygu may arage

Sida hasha maandeeq
Mug weyn cali la joogtaa
Meesha aad ku nooshahay
Ilaa iiga muuqanayaa
Meesha aad ku nooshahay
Ilaa iiga muuqanayaa

Waxaad tahay
Mid aan ka maarminee
Iigu mudan qiso iyo muxibe
Iigu mudan qiso iyo muxibe

Munaay muraadkeena kii reeb
Maskaxdaad ku taaloo
Waan kugu maqsuudaa
Maskaxdaad ku taaloo
Waan kugu maqsuudaa

Sida hasha maandeeq
Mug weyn cali la joogtaa
Meesha aad ku nooshahay
Ilaa iiga muuqanayaa
Meesha aad ku nooshahay
Ilaa iiga muuqanayaa

Waxaad tahay
Mid aan ka maarminee
Iigu mudan qiso iyo muxibe
Iigu mudan qiso iyo muxibe

Exit mobile version