ubax barshadeenii habeenkii arbacada
afariyo tobankii octobar ahayde
aragtidaada wacaniyo
edebtiyo xishoodka
indhayga jiitee
jacayl igu abuuroo
unugyada jidhkaygiyo
oogadayda baahee

arin aan qarsanaayay
afka soo xaday weeyee
ehelkiyo azxaabtiyo
idiilkood ay ogaadeen
inaan adi kuu ildaranahay

ubax aqoontiyo garashadiyo asluubta
asaagaa ku dhaaftee
inantaan eeganayaay

anfaciyo ugbaadeey
eray samaantadiyo
odhaahdaa i deeqdee
jacayl igu abuuroo
unugyada jidhkaygiyo
oogadayda baahee

Exit mobile version