inan yahay waxaa tahay
naftu tay u muhatee
nuuriyo iftiinkii
aan naawilaayaa
nasab baad ka dhalato
intaad dunida nooshay
naag kalena la hadalkeed
niyadayda maan galin
yuuna kuu waramin nacab
yuuna been ku nuugsiin
naxli iyo dhib ka dhawr
ha u nuglaanin waligaa

nasrigii alla keenaay
nafaqadii jidhkaygaay
aniga nooloshaydiyeey
naq iyo roob ii da,aay
neecaw udgoneey
ubax niil ku yaalaay
nasi oo jacaylkeena
naaxi oo xanaanee
yuuna kuu waramin nacab
yuuna been ku nuugsiin
naxli iyo dhib ka dhawr
ha u nuglaanin waligaa

Exit mobile version