raxxmad iyo roob da,aay
ramaas iyo rucub janooy
rajada noloshayda taan
rafiiq kali uga dhigay
raki iyo rafan raaf dhibiyo
rafaad kuuma quudha oo
inaan raas wada dagnaan
waliba reer wada dhisnaan
gacalo u riyaaqayaa
hayeeshee raaliya
run iyo ugu roob ugee
sidaan ku rabo anigu
warayso xogtayda oo
rayaaneey ii ogoow

midii ruuxiyo qalbiga
kalgacal ku rabaysaye
intuu raadiyay qalbigu
dookhayguna raacayeey
raaxada waa wada jirkee
ra,yiga aan kuu huriyo
adoon igu riiqin talo
sidii raasamaal u wacan
inagoo u raacnaa haboon
hayeeshee raaliya
run iyo ugu roob ugee
sidaan ku rabo anigu
warayso xogtayda oo
rayaaneey ii ogoow

Exit mobile version