VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Mudug - Lyrics

Dumar ugu fil rooneey Naftaydaa ku damacdoo Dookhaa ku raacee 2× Sidaa tahay darmaan faras Dooxa caws la joogtoo Xanaan loogu daw galay 2× Deegaanta roobkiyo Naqa iyo dareemada Duladaabanay heesaha 2× Ayaad dahab la moodyee Ayaad dahab la moodyee Dumar qaayo dheer tahay Waxa daawey noqon laa Adigoo dushii mudug Waxa daawey noqon laa Adigoo dushii mudug Deexiyo aduun iyo Dalsan ciidii loo bogay Deexiyo aduun iyo Dalsan ciidii loo bogay Dadab igula gala oo Soo dabaala caashaqa Soo dabaala caashaqa Gunta lama daboolee Adigaa dubnaha iyo Qalbigaba ku daabacan 2× Inta dunida joogtiyo Hablaha dalkeenaan Kaa doortay adigee 2× Qurux waxaad la daw tahay Daa,uus ka muuqiyo Daawashada ku wacane 2× Aan danteena eegnee Aan danteena eegnee Dunta ma isku xidhanaa Waxa daawey noqon laa Adigoo dushii mudug Waxa daawey noqon laa Adigoo dushii mudug Deexiyo aduun iyo Dalsan ciidii loo bogay Deexiyo aduun iyo Dalsan ciidii loo bogay Dadab igula gala oo Soo dabaala caashaqa Soo dabaala caashaqa
Queue is empty
-- / --