araga dhooliyo dhirbaad tahay
sidii dharabkii dhadaad tahay
dhalaalkana dheemanbaad tahay
dhal culimiyo dhawrsanbaad tahay

dhaqanka gobonimo dhalbaad tahay
dhaliil ka fogoo dhanbaad tahay
dhismaha qoyskaad dhadhaab taay
dhig iyo lool lagu dhidbaad tahayee

dhaayihii ku arkaad u dheef tahay
mar qudha ku dhugtaad ku dheertay
dhawaaqaaga dhagaha culayoo
dhabeel dumariyo dhigbaad tahayee

dhabtii ruux loo dhintaad tahay
dhibaatana loo mutaad tahay
dhamiba hablahaad wax dheertahoo
dhigaa kali doortaybaad tahay

qalbiga laba dhinac danbaad tahay
laf dhabariyo dhiig wadaad tahay
dhidirka kala gala dhexdeeniyo
dhantaalka wado dhunkaa tahayee

Exit mobile version