VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gugeeni - Lyrics

Dhaaxaan kiliyada jibaaxay Dhaaxaan geed qodaxle seexday Godkayga libaax ka reemay Dhaaxuu guunyada sideeda Gashiinka caleen ahaaday Gargoorkii cawska daaqaa Anigu gogoshii ka qaatay Markaan goonyaha jaleeco Adoon garabkayga joogin Gubtaanyo maxay i saaqday Ilayn samir kama gabawdid Hadaadan ka geeriyoonin Gugeenii wakaa samaadee Aroos la inoo gingaamay Gugeenii wakaa samaadee Gaaxdin nafsi aynu maalnay Maxa caro igu gadhoodhay Maxaan gawsaha qaniinay Maxaa gabal dhiciyo waagii Gacmaha aan sare u baacshay Gargaar waydiistay EEBE Asaagay oo gabyaaya Maxaan gooni joog ahaaday Gandood se maxaan ku ooyay Ilmadii aan gobo' ka siiyay Maxay gondahayga qoysay Gadaad ku tilmaantay weeyi Dhibtii soo gaba gabawdo Gugeenii wakaa samaadee Aroos la inoo gingaamay Gugeenii wakaa samaadee Gaaxdin nafsi aynu maalnay Dhaaxaan kuu goobo jeexay Anoo guudhayn habeeno Gantaalo la ii cabaastay Dhaxaan goraygiyo siige Iyo galawgii ciyowgii Dhamaan gabigood dugaaga Anigu gaar kula caweeyay Gartayda anoon u sheegan Anoon gardaraysan aadmiga maxaa godob la ii xanbaarshay Maxaa gudcur roobabawa Habeenko galin danbeeda Intaan guriga isu ooday Adoo ii gaabgaabsanaaya Guuhaaga intaan dhagaystay Hadana geesaad joogto waayay Hawaawi maxaan ku goobay Guulaystay anoon dhaqaaqin Hadana gago madhan ka toosay Maxaan gogoshayda hiifay
Queue is empty
-- / --