VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Gugeeni mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Mohamed Kadheeri
Gugeeni

Dhaaxaan kiliyada jibaaxay
Dhaaxaan geed qodaxle seexday
Godkayga libaax ka reemay

Dhaaxuu guunyada sideeda
Gashiinka caleen ahaaday
Gargoorkii cawska daaqaa
Anigu gogoshii ka qaatay

Markaan goonyaha jaleeco
Adoon garabkayga joogin
Gubtaanyo maxay i saaqday

Ilayn samir kama gabawdid
Hadaadan ka geeriyoonin
Gugeenii wakaa samaadee
Aroos la inoo gingaamay
Gugeenii wakaa samaadee
Gaaxdin nafsi aynu maalnay

Maxa caro igu gadhoodhay
Maxaan gawsaha qaniinay
Maxaa gabal dhiciyo waagii

Gacmaha aan sare u baacshay
Gargaar waydiistay EEBE
Asaagay oo gabyaaya
Maxaan gooni joog ahaaday

Gandood se maxaan ku ooyay
Ilmadii aan gobo' ka siiyay
Maxay gondahayga qoysay

Gadaad ku tilmaantay weeyi
Dhibtii soo gaba gabawdo
Gugeenii wakaa samaadee
Aroos la inoo gingaamay
Gugeenii wakaa samaadee
Gaaxdin nafsi aynu maalnay

Dhaaxaan kuu goobo jeexay
Anoo guudhayn habeeno
Gantaalo la ii cabaastay

Dhaxaan goraygiyo siige
Iyo galawgii ciyowgii
Dhamaan gabigood dugaaga
Anigu gaar kula caweeyay

Gartayda anoon u sheegan
Anoon gardaraysan aadmiga
maxaa godob la ii xanbaarshay

Maxaa gudcur roobabawa
Habeenko galin danbeeda
Intaan guriga isu ooday

Adoo ii gaabgaabsanaaya
Guuhaaga intaan dhagaystay
Hadana geesaad joogto waayay
Hawaawi maxaan ku goobay

Guulaystay anoon dhaqaaqin
Hadana gago madhan ka toosay
Maxaan gogoshayda hiifay

codkii Mohamed Kadheeri