Ma ogtahay biyo iyo oon
Baahida kalgacalka
Baryahayga goysoo
Ana barashadaadii
Bildhaan araga guudnimo
Baalna uma dhaafine

Waxaad tahay bogaygiyo
Beerkiyo wadnahaan
Nacab uga baqaaye

Inanyahaw badiyo wabi
Adigoon dabaal baran
Loomaba badheedhee
Baahida kalgaclkuna
Taasay la baabtoo
Dadka laguma biiree

Ma i baaqday sida beel
Baad iyo xareediyo
Loo helay barwaaqoo

Maxaan kaaga baaqda
Ama kaaga baydhaa
Sow la iima kaa badin

Inanyahay nin bayrlihi
Runta lama badheedhoo
Bogan waa dantiisii
Ana sida ban joog cawl
Ciirsi la’ banaanada
Kaligay ka baaqaa

Waxaad tahay bogaygiyo
Beerkiyo wadnahaan
Nacab uga baqaaye

Inanyahaw basari iyo
Doqonbaa nin beegsaday
Bar xun kaga dhaqaaqdee
Ha ka baqan badhaadhiyo
Miduunbaa ka soo bixi
Barashada qasaartee

Ma ii baaqday sida beel
Baadiyo xareediyo
Loo helay barwaaqoo

Maxaan kaaga baydhaa
Ama kaaga baaqdaa
Sow la iima kaa badin

Exit mobile version