qalbi xaadhanbaa kugu xasila
laab ku xiisaysa
kashan xiiqsan xididada wadnaha
xinjirta dhiigayga
xarumaha dareenkiyo qalbiga
haawadaha xidha

ma xasuusto dumarkoo dartaa
xaawalay nacay
caashaqbaa xujeeyoo naftani
way xawilantee
laabtayda xikunkiyo ka qaad
dookha xayiraada

xurmo doora hadal dabacsanlay
way xishootaaye
dun xariira dugsi raaxo le
waa xalaal dhalade
xaramkii jacaylkaay armaad
noqoni xaaskayga

kuma xoodhine kuma aan xumayn
kuma xujayn qaali
waligay kumaan xaasideen
xuuralcaynyahaye
waqtigaa xajiinta watee
xubiga maan doorine

xoogaa duruufaa jirtee
xaqa kamaan boodin
aan ku ku xabagabaarshee kun jeer
uu ku xaal marine
laabtaydan xukunkiyo ka qaad
dookha xayiraada

Exit mobile version