bilic iyo hanaanleey
burji iyo dulqaadleey
baxsan weeye dumaroo
xidigaha ka baal shidan

biya dahab la moodyey
inta baarka fidhatiyo
hablaha adaa bilaa
baarliineey u nuur badan

bureeqadii togdheeriyo
ilayskii burceedeey
baarliineey aduunyada
adigaa badhkeed shida

bil iftiinka bixisaay
bilis xaawalay baad
tahay boqoradoodoo
boqol dhaan ayaa tahay

baari hooyo wacan baa
boqraneey ku korisoo
baarkaa dusheediyo
kugu qaaday baashee

bureeqadii togdheeriyo
ilayskii burceedeey
baarliineey aduunyada
adigaa badhkeed shida

Exit mobile version