xubno dabacsanley
xarago iyo habley
xeel dheeraley
xushmo hooyaley
sida nabida xaniyo
lagu baran xilli
hadal xiiso lahoo
xanaf reeban leh

qof xanaano leh
ku barbaartay xeeb
xalay dhalay sidii
qalbi xaadhanley

sow xuurancayn
xul haweena iyo
xilla lagu nastoo
nin hela xamdiyo
saddex jeer xaqlaay
kuma aan xasilin
dun xasaanad ley

xukub seema ley
xul dabeecad ley
xushma iyo duleel
xeer garashaley
midan xaawaley
xilkasnim iyo aqoon
kaga soo xushaay
dun xadaarad ley

cod xabiiba iyo
eray xulasha leh
qurux iyo xishood
iyo xeelad ley

Exit mobile version