kii I xaman lahaayow
ama xaasidkaygow
Kaan xalay wanaajee
Ixumeeyay maantow
Murtidaydu waa xubin
waa hadal aan soo xulay
xanuun iyo dardaaran ah
waa xujee dadow maqal
Xikmad weeye heestuye
xifaalaha aduunyooy

Xisimaha daruurtiyo
Mar buu xaysku hooraa
Nimco lagu xasuustaa, adduunyooy
Mar baa? xaaluf iyo boodh
Abaar laysku xeeraa
Dadku xagal wareegayoo, xumaadaa
Xidigaa is doorshoo , aduunyooy
Ninkii xoolo lahaan jirey aduunyooy
Mar buu xaabka qaataa
Xigsadaa asaaggii!

Mar buu xaabka qaataa

Xiskihii wax moodaa
Adduunyooy xaalkaa ba’

Xolahaaga oo nagi
Mar baad xoor ka maashaa
Xaragadu ku lumisaa aduunyooy
Mar baa xaaqin iyo guluf
Cudur lagaa xabaadhaa
Caydhi lagu xasuustayoo, xumaataa
Xirsigays beddelayoo aduunyooy
Ninkii maali jirey xulad aduunyoo

Mar buu xaalku waayaa

Xigsadaa asaaagii
Mar buu xaynta waayaa
Xigsadaa asaaggii!
Adduunyooy xaalkaa ba’

Mar baa xiliyo maamuus
Magac lagugu xeeraa
Xariir lagugu daahaa, adduunyooy
Mar baa xuubka gerigiyo
Talo lagaa xayuubshaa
Xurmo beel ahaatayoo, xumaataa
Wakhtigay is xereyoo, aduunyooy
Mar? baa sharafku xaydmaa , aduunyooy
Ninkii laga xishoon jiray
Aan cidi ba xaalayn,

Ninkii laga xishoon jiray

aan cidi ka xadhig xidhan
Adduunyooy xaalkaa ba’

Lyrics by zainab

Exit mobile version