Aduunbaaba gabadhyahay gadafeeyay timahoo
gogol lagu bulsheeyiiyo guur u feedhanaaye
miyuu wiil gayaani go’e maanta jooga
geeri weeye caydhu ye sawtan laysay gaajadu
mid aad garabka saartiyo miyuu geesi noolyahay

Aduun baaba geenyooy wabigii ganaaniyo
gacan wabi ku yaaloo haraad li’i u gamaayex
geestayada miyuu faras gaashaan qaadi joogaa
geeri weeye caydhu ye sotan laysay gaajadu
midaad garabka saartio miyuu geesi noolyahay
anigiyo naftaydaa habeen madow gudaysoo
geedbay qof moodee tii oon gudin u hayn bay
laama goo i leedoo gacmihii i daaleen
garaad dumar ma dheeree yaa garwaaqsan jirayeey
gabadh kibirtay oo ladan yaa garawsan jirayeey
geenyo aan jaraysnayn yaa dagaal ku galayeey
gooni u halaabee Yaa garan waxa i gubay

Exit mobile version