kii ixaman lahaayoow ama xaasidkayoow
kaan xalay wanaajiyoow ixumeeyay maantoow
murtidaydu waa xubin waa hadal aan soo xalay
xanuun iyo dardaaran ah waa xijee dadoow maqal
xikmad weeyi heesaydu xifaalaha aduunyada
adunyooy xaalkaa ba
xisimaha daruurtiyo
mar buu xasku hooroo aduunyooy
nimco lagu xasuustaa
marbaa xaaluf iyo boodh
abaar lasku xiiraa
dadka xagal wareegayoo xumaadaa
xidigaa is doorshaa aduunyooy
ninkii xoolo lahaan jiray aduunyooy
mar buu xaabka qaataa
xigsadaa asaagii
xoolahaaga oo negi
marbaad xoor kamaashaa
xaragada ku lumisaa aduunyooy
marbaa xaqin iyo guluf
duhurkaa xabaadhaa
caydhay lagu xasuustayood xumaataa
xirsigay is badelayoo aduunyooy
ninkii maali jiray xulad aduunyooy
marbuu xayna waayaa
xigsadaa asaagii
marbaa xil iyo maamuus
magaca lagugu xeeraa
xariirlagugu daahaa aduunyooy
marbaa xuubka bilicdiyo
talo lagaa xayuubshaa
xurmo beel ahaatayood xumaataa
marbuu sharafku xaydnaa
ninkii laga xishoon jiray
aan cidiba xaalayn
ninkii laga xishon jiray
aan cidika xadhig xidhim

Exit mobile version