Aniguna kumaan gabin
adna iima gooynine
waayaha ina gaabshee x2

Hadii guri aad leedahay
oo lagula aqal galay
geel iyo gamaan faras
ayaan kugu galbinayaa x2

Waxaa golaha la keenaa
arin aad gorfeysayoo
aan gocasho rebeyn iyo
garasha waayeel
hadaan gacan kusiin-
anigana gob iyo caadil
ayaan kugu galbi nayaa x2

gafna maad sameynine
calaf baa halkaa galay
aad galabta taalee
ubadkoo gargaaran
arooskaaga geey,
duco aan gabooneyn
ayaan kugu galbinayaa*2

Exit mobile version