Aniguna kumaan gabin
Adna iima goyninee
Waayahay na gaabshee
X2

Hadii guri aad leedahay
Oo lagula aqal galay
Geel iyo gamaan faras
Ayaan kugu galbinayaa X2

Waxaa gola la keenaa
Arin aad gor faysayoo
Aan gocosha reebinee
X2

Way garasho waayeel
Hadaan gacan ku siiyee
Adna gob iyo caad keed
Ayaan kugu galbinayaa
X2

Gefna maad samaynine
Calaf kumbaa halkaa
Galay aad galabta taalee
X2

Ubad kuu gar gaaraan
Aroos kaaga geeyoo
Duco aan gaboobayn
Ayaan kugu galbinayaa
X2

Doqon baan gu' iyo dayr
Kala garan miday tahoo
Hadba dhinac uguurtee
X2

Kalgacaylka guunkii
Inuu gaaxda mooyee
Sidaa kuma gaboobee
X2

Aniguna gadaal dhalad
Kuma garab dhigaayoo
Iilama gud boonide
X2

Gelbis iyo go' iyo shaal
Hidaheena gaarka ah
Ubax gun iyo baar baxay
Ayaan kugu galbinayaa
X2

Duco aan gaboobayn
Ayaan kugu galbinayaa

Ana gob iyo caad keed
Ayaan kugu galbinayaa

Geel iyo gamaan faras
Ayaan kugu galbinayaa

Farxad aan gaboobayn
Ayaan kugu galbinayaa

Exit mobile version