ninka ila biyo leh
ooman ee haraad
isgoo il daran
adimada ku maranee
afka aanu gelin weli
eegmada indhuhu
aragrida halkay
ku riyoonayeen
ula kacay naftee
ifka adiga inanyahay
ogolaaday baan
adiguna ilimihii
aad dhacama saartood
irida u adkaysee
adaan kaa ibtiloobee
idileey idileey idileey
adigiyo wanaagaagan
weli ulanayaa
in amaano dumaroo
u yihiin ragoo
alle nagu ogyahay
ma qoonsatahay
afar inay nin qudha
ooryi u yihiin
arin iyo aduun
u maleegan yihiin
asaraarka badan
inan looga roon
adigana ilimihii
kalgacalkaad
ood dhacama saartood
irida u adkaysee

Exit mobile version