Kuma gabo dantaydaay
Kuma galo wax yeellooy
Kuma gooyo wacadoow

Kuma taliyo godobeey
Kuma geyo colaadeey

Gefoow kuma ilaawoo

Wallee anigu goornaba
Kuma naco gobaadeey

Kuma gabo abaaloow
Kuma gaabsho deeqeey
Kuma oodo
Gacaneey

Kulan anigu geystiyo inaan gudo
Hajoogtee
Gareey kaama eexdoo

wallee anigu goorma
kuma naco gobaadeey

Goonyihii hargeeysiyo
Guryo samo adoo
Yaal lama galo daruuraha

Galabtaasiyo gugii da ay
adigoo guud ka daawaday
wax laguugu gaysaba

wallee anigu goornaba
kuma naco gobaadeey

Lyrics by Abdirrahman Ismail

Exit mobile version