la joojiyaana waa banaan
la jiifiyaana waa banaan
haday taladu baahdoo
arin kugu balaadhoo
wakhtigu baaxadsooriyo
kula tago bacad kulul
uu baadhka kugu qayo
marna buuro dhaadheer
oo guudka baraf ku leh
kula tago baraadli
lama baraq nuglaadee
waa daris beri hore
kaa baaqday adigoo
mawluhu ku barayee
aad maruun ka bixiyee
boga waxaad ku haysaa
meel uu baad ku yaalo
ay tigaadu badantoo
dhulka biyuhu wadhanyihiin
markuu boodhku ka duulaa
lagu beercadaadaa
haraad kugu bakhtiiyaa
dunidaa badhaadha ah
marna wadata hawl badan

Exit mobile version