VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Nabsiga Hiisha - Lyrics

Intoro: Imisaan ku hor joogoo, Wanaag kaa hidinaayoo, Iska daa hadal toosane, Warba kaa heli waayoo, Wejiga aad iga hiiftay, Adduun waa hadh wareega, Waa habeen iyo maalin, Isku soo hirdamaaya, Waa habow iyo toos, Is hareera socdee, Waayihii kol i heeray, Kolna heeryo i saaray, Inaan ku hab-jileecaa, Waa mid aan la helaynine, Hiyigaaga ka saar, Hogob caleenliyo,Adoo hadh jiifee, Dhaxan harraad,Halase joogee, Habeenka maalin,Socodkiyo, Hirig cadaadeed, Hugayga reebtee, Nafsiga hiishaan, heedhe Kula haleeloo Hoogtooy wanaaganii ,Waa kaad halleyseen, Kula hor joogee, Mar baad hilaaciyo,Hogol ahaydoo, Mar baad hiraysoon,Ku hiigsanaayee, Sowkii haacoogiyo, Ahaa habeenka, Halyayga maanta,Lagu halmaamay, Nafsiga hiishaan, heedhe Kula haleeloon, Hoogtooy wanaagani, Waa kaad halleyseen, Kula hor joogee, Mar baad hubkays wada, Hareer ordaysoon, Anna hangool iyo, Gudimmo haystee, Adoo hitiitiqay, Haddaad i hoos timid, Oon geedna haysan, Waa hiil Ilaahee, Nafsiga hiishaan, heedhe Kula haleeloon, Hoogtooy wanaagani, Waa kaad halleyseen, Kula hor joogee, Ha moodin adiguun, Inaan ku hiifee, Haween dhammaanba ,Ka hawl yaraystee, Hiil iyo hooba, Mid kuu han weynoo, Ku hanta Mawle, Ha kuu hibeeyee, Ilaah hortaadiyo,heedhe Hareerahaagaba, Halkaad maraysuun,Ha kuu hagaajee,Nabad ku sii hoyo.
Queue is empty
-- / --