VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Nabsiga Hiisha mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Mohamed Mooge
Nabsiga Hiisha

Intoro:
Imisaan ku hor joogoo,
Wanaag kaa hidinaayoo,
Iska daa hadal toosane,
Warba kaa heli waayoo,
Wejiga aad iga hiiftay,

Adduun waa hadh wareega,
Waa habeen iyo maalin, Isku soo hirdamaaya,
Waa habow iyo toos, Is hareera socdee,
Waayihii kol i heeray, Kolna heeryo i saaray,
Inaan ku hab-jileecaa, Waa mid aan la helaynine,
Hiyigaaga ka saar,

Hogob caleenliyo,Adoo hadh jiifee,
Dhaxan harraad,Halase joogee,
Habeenka maalin,Socodkiyo,
Hirig cadaadeed, Hugayga reebtee,
Nafsiga hiishaan, heedhe Kula haleeloo
Hoogtooy wanaaganii ,Waa kaad halleyseen, Kula hor joogee,

Mar baad hilaaciyo,Hogol ahaydoo,
Mar baad hiraysoon,Ku hiigsanaayee,
Sowkii haacoogiyo, Ahaa habeenka,
Halyayga maanta,Lagu halmaamay,

Nafsiga hiishaan, heedhe Kula haleeloon,
Hoogtooy wanaagani, Waa kaad halleyseen, Kula hor joogee,

Mar baad hubkays wada, Hareer ordaysoon,
Anna hangool iyo, Gudimmo haystee,
Adoo hitiitiqay, Haddaad i hoos timid,
Oon geedna haysan, Waa hiil Ilaahee,

Nafsiga hiishaan, heedhe Kula haleeloon,
Hoogtooy wanaagani, Waa kaad halleyseen, Kula hor joogee,

Ha moodin adiguun, Inaan ku hiifee,
Haween dhammaanba ,Ka hawl yaraystee,
Hiil iyo hooba, Mid kuu han weynoo,
Ku hanta Mawle, Ha kuu hibeeyee,
Ilaah hortaadiyo,heedhe Hareerahaagaba,
Halkaad maraysuun,Ha kuu hagaajee,Nabad ku sii hoyo.

codkii Mohamed Mooge