Ku Sinnaan Dharaartii
La Sargooyey Dunidee
Rabbigay Sameeyee
Cirka Sare U Taagee
Xiddigahan Siraatiyo
*******
Lagu Sudhay Cadceeddee
Sagalkiyo Daruurtiyo
Lagu Xidhay Sitaacee
Dhulka Gogol La Seexdiyo
Sabo Lagu Nagaadiyo
Laga Dhigay Sin-Dadabkii
Buuraha La Saaree
Dhirta Samayda Ciiddiyo
Salka Loogu Joojee
Saddex Laab Bad Iyo Webi
Lagu Yidhi Sabbeeyee

Dabadeed La Sahanshay
Qofba Meel La Siiyee
Saldhigeedu Qaybaha
Cidi Uma Sinnaynoo
Dadku Ruux Sabooloo
Saranseer Ku Raagiyo
Guryo Samu Nin Yaalloo
Sidka Dhalay Ku Haystoo
Helay Seer-Ma-Weydiyo
Laba Kala Sad Roon Baa
Subax Noolba Joogee

Waan Soo Socdaa Kowdhe
Waxna Waan Sidaa Labadhe
Samir Yeelo Weligaa
Saxarlaay Ha Fududaan

Sal-Fudaydku Xaawuu
Janadii Ka Saaree
Ruux Aad Sugaysoo
Maqan Waa La Sahadshaa
Sahan Waa La Dhowraa
Ha Sahwiyin Ha Selelin
Salka Dhaban Ha Noqonin
Ha Saluugin Qaybaha
Qalinbaa Saxeexee.
Waxan Saatir Kuu Qorin
Ha U Suul Dhabaalayn
Kala Saar Run Iyo Been
Kala Garo Sir Iyo Caad
In Salaaddu Weligeed
Kala Tahay Sunniyo Faral
Uogow Sax Iyo Maan
Inaad Saamo Jiiddiyo
Sanqadh Tirasho Kala Daa
Naf Jacayl Sawaabayoo
Sanka Kuu Dalooshoo
Kuu Sudhay Hoggaan Baad
Usiddaa Maqaarkee
Ha Ku Daba Saqlaysee
Haw Gaabin Seetada
Sogsogtiyo Cadaaddiyo
Ha Ku Saydhin Laamaha
Waan Soo Socdaa Kowdhe
Waxna Waan Sidaa Labadhe
Samir Yeelo Weligaa
Saxarlaay Ha Fududaan

Exit mobile version