ku sinaan dharaartii
la sargooyey dunidee
Rabigay sameeyee
cirka sare u taagee
xiddigaha siraatiyo
dayax suudi meeriyo
lagu sugay cadceeddee
sagalkiyo daruurtiyo
lagu xidhay sitaacee
Dhulka gogol laseexdiyo
sabo lagu negaadiyo
laga dhigay sindadabkee
buuraha la saaree.
Dhirta samayda ciidiyo
salka loogu joojee
saddexlaab badiyo webi
lagu yidhi sabbeeyee
Dabadeed la saanyee
qofba meel la siiyee
saldhigeedu qaydnaa
cidi uma sinnaynoo
dadku ruux sabooloo
saranseer ku raagiyo
guryosamo nin yaalloo
sidka dhalay ku haystoo
heley seermawaydiyo
laba kala sadroonbaa
subax noolba joogee
waan soo socdaa kowdhe
waxna waan sidaa labo dheh
samir yeelo weligaa
Saxarlaay ha fududaan

salfudaydku Xaawuu
jannadii ka saaree
ruuxaad sugaysoo
maqan waa la saadshaa
sahan waa la dhowraa.
ha sahwiyin ha salelin
sarka-dhaban ha noqonine
ha saluugin qaybaha
qalinbaa saxeexee
Waxaan aatir kuu qorin
ha u suul-dhabaalayn.
Kala saar run iyo been
kala garo sir iyo caad
In salaadu weligeed
kala tahay sunniyo faral
u ogow saxiyo maan
inaad saamo jiiddiyo
sanqadhtirasho kala daa
naf jacayl sawaabayoo
sanka kuu dalooshoo
kuu sudhay hoggaan baad
u siddaa maqaarkee
haku dabo saqlaysee
ha u gaabin seetada
sogsogtiyo cadaaddiyo
ha ku saydhin laamaha
waan soo socdaa kowdhe
waxna waan sidaa labo dheh
samir yeelo weligaa
saxarlaay ha fududaan

Exit mobile version