VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waayeel Dadow - Lyrics

walaac anigoo ku seexday maxaan walbahaar la tosay wareer anigoo la liita maxan wel wel jiifi waayey maxaan sida weer cadhaysan saqda dhexe gaaf wareegay intuu waqal ii hilaacay maxaan kula rooray weelka ubaydhay wadiiqo leexsan wakhtiga i tilmaami waayey jacaylku muxuu i wiiqay muxuu wadnahayga shiiley maxaan shinbiraha waraystay udhiibay waraaq daboolan hadyad wacdigay iga qaaday cid weeye tidhaahda waay wayeel dadow inaan waalanahay duni wiirsatoo waligeed dhintoo wacadkiyo xadhkihi waydaarataan waytaynayaa wadacee maxaan ilaashay waraabe kasoo kaxeeyey sac wayda maxan udhanshay walwal ugu soo arooray halkiisa kusoo waraabshay maxaan wali soo kaxeeyey wadaado maxaan uyeedhay uloogay wankayga fiican waxayeelo halkay utaalo nafayda maxaan ka waabshay walaalkay nimaan uhastay muxuu wado iifadhiistay qofaan whehlkayga mooday ka qayb galay weerarkayga ruuxaan la wadaaga oonta ku wiirsaday dhiiladaydaa maxaan dacdaraha aduunka usoo jirey waayaheeda warkeeda la il dhameeyay maxaa waran layla doonay habeenimo layla waayey basiib kaga waaariisatay maxaa dabin lay wareejay wadkayga lay ii shirqoolay maxaa dacar lay walaaqay waabayo ku caafimaaday maxaa wabiyaal is jiidhay dhexdooda ka waab samaysatay maxaa wacad layla qaatay rumaystay walaahi beena wanaag anigoo sameeyay maxay wadhi ii danbaysay
Queue is empty
-- / --