VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hohey dumarku - Lyrics

Hiif iyo dhibaatiyo Waa howl aduunyadu Huqda kuu horseeddee Hagar daama weyn iyo Hoosaaso weeyaan Lagu kala halaabee Hohey dumarku waa Har qaboobe damaloo Hanfiyo dabayl lehe Hurintii labuun baa Intay kugu hagaagaan Samo laga helaayee Inta kale huf weyaan Hadba gees ukacayee Hoheey dumarku Waa adoo haraadan Biyo kuu hiraayee Hoheey dumarku waa Hed iyo la'ayaan Ragu ka hari wayee Hohey dumarku Waa hawlaha aduunyada Hilin loo maraayee Waa kuwa halyeey nin ah Nacas soo hormariyee Hanti kugu jeclaadee Huqda iyo dhibaatada Kugu soo hagaajee Hoheey dumarku Waa adoo haraadan Biyo kuu hiraayee Hohoy dumarku waa Hed iyo la'ayaan Ragu ka hari wayee Hoheey dumarkuu Waa hurgumiyo xanuun Kugu hoos jiroo Booraamo hadimiyo Hogog lagu dhacaayoo Ku hantaaaqo weeyee Hal adeyga waa duul Habeen lagu talaalee Hoheey dumarku Waa adoo haraadan Biyo kuu hiraayee Hohoy dumarku waa Hed iyo la'ayaan Ragu ka hari wayee Hoheey dumarku Waa hamo beena iyo Riyo ku hortimaadee Waxay hayb wadaagaan Kolba dunida heerkii Galabtaa hilaacee Marba waxa horjooga Ayaga u hagaagsan Hoheey dumarku Waa adoo haraadan Biyo kuu hiraayee hohoy dumarku waa Hed iyo la'ayaan Ragu ka hari wayee
Queue is empty
-- / --