VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Hohey dumarku mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Mohamed Nuur Giriig
Hohey dumarku

Hiif iyo dhibaatiyo
Waa howl aduunyadu
Huqda kuu horseeddee
Hagar daama weyn iyo
Hoosaaso weeyaan
Lagu kala halaabee

Hohey dumarku waa
Har qaboobe damaloo
Hanfiyo dabayl lehe

Hurintii labuun baa
Intay kugu hagaagaan
Samo laga helaayee
Inta kale huf weyaan
Hadba gees ukacayee

Hoheey dumarku
Waa adoo haraadan
Biyo kuu hiraayee
Hoheey dumarku waa
Hed iyo la’ayaan
Ragu ka hari wayee

Hohey dumarku
Waa hawlaha aduunyada
Hilin loo maraayee
Waa kuwa halyeey nin ah
Nacas soo hormariyee
Hanti kugu jeclaadee
Huqda iyo dhibaatada
Kugu soo hagaajee

Hoheey dumarku
Waa adoo haraadan
Biyo kuu hiraayee
Hohoy dumarku waa
Hed iyo la’ayaan
Ragu ka hari wayee

Hoheey dumarkuu
Waa hurgumiyo xanuun
Kugu hoos jiroo
Booraamo hadimiyo
Hogog lagu dhacaayoo
Ku hantaaaqo weeyee
Hal adeyga waa duul
Habeen lagu talaalee

Hoheey dumarku
Waa adoo haraadan
Biyo kuu hiraayee
Hohoy dumarku waa
Hed iyo la’ayaan
Ragu ka hari wayee

Hoheey dumarku
Waa hamo beena iyo
Riyo ku hortimaadee
Waxay hayb wadaagaan
Kolba dunida heerkii
Galabtaa hilaacee
Marba waxa horjooga
Ayaga u hagaagsan

Hoheey dumarku
Waa adoo haraadan
Biyo kuu hiraayee
hohoy dumarku waa
Hed iyo la’ayaan
Ragu ka hari wayee

codkii Mohamed Nuur Giriig