Inanyahay walaaliyo
Wacadkaan lahaynee
Ma waqin jacaylkuye
Wadnahiyo halbawlaha
Waa beer jidhkaygiyo
Waa cid hibaaqdee

Waagii gadootana
Waxaan xasuustaa
Xasuustaa
Hadalkii wacnaayee

Adiguna waxyeeliyo
Walbahaarka caashaqa
Iga dhawr iga dhawr walaaca

Warsan sheekadeeniyo
Iyo wada jirkeenee
Ha simin hadaaqee
Waayihii i dhaafa
Jacayl u eekaysii
Haba ka sii xumaayoo

Waagii gadootana
Waxaan xasuustaa
Xasuustaa
Hadalkii wacnaayee

Adiguna waxyeeliyo
Walbahaarka caashaqa
Iga dhawr iga dhawr walaaca

Exit mobile version