Inanyahay hurdaba
Idilkood hablaha
Uma furin afkaygee
Waan ka aamusnaa
2x
Adiguna walaal
Adoon uur xumaan
Ruux kale abaaroo
Iska kay iloow
2x
Albaabkaygu kaa xidhan kaa xidhan
Kaa oodan Laabtaydu Laabtaydu
Albaabkaygu kaa xidhan kaa xidhan
Kaa oodan Laabtaydu Laabtaydu
Hana iman agtaydee
Daydayo asaagaa Daydayo asaagaa
2x
Hadii aad is tidhi
Afduub weeyi caashaqu
Adigaa isoodoo
Ka il doobay noloshee
2x
Hablaha aynigaagaa
Xishood iyo akhlaaqbaa
Inan la ogaayee
Ku eekow haweenimo
2x
Albaabkaygu kaa xidhan kaa xidhan
Kaa oodan Laabtaydu Laabtaydu
Albaabkaygu kaa xidhan kaa xidhan
Kaa oodan Laabtaydu Laabtaydu
Hana iman agtaydee
Daydayo asaagaa Daydayo asaagaa
2x

Exit mobile version