Xalaybaan darwaamoo
Naftu ay qumbacatee
Qeylada bal daayoo
Marwo qaaliyaa tahee
Gacalo quraacda ii keen
Marwo qaaliyaa tahee
Gacalo quraacda ii keen
Qadka waan ku qaatiyo
Qaadiradan baas iyo
Qoomamada daayoo
Qurbuxaaga ma ogiye
Qodqontaada ila dhaaf
Qurbuxaaga ma ogiye
Qodqontaada ila dhaaf
2x

Sow qaran jabkii
Soomaali qubay
Ima qiimo ridin
Ima quudisidee
Qaatoo biyaha oo
Qolqolkayga ii dhaaf
2x
Wax ku qaatey hadal
Loo qiil daayinee
Qoontii jabtayee
Qabo inanka oo
U qubee ilmaha
Qabo inanka oo
U qubee ilmaha
Qiiro beenebaad
La qumbacatayoo
Waad qandhaysantahee
Orodoo qorqori
Qoryahaagii baas
Orodoo qorqori
Qoryahaagii baas
2x
Naftaad liic danjaanee
Kolaab ani ku siisaa
Qoodh is moodaysaa
Adigoo qadhaadhoon
Qardo jeexin qarankaas
Qaran doono wiiloow
2x

Exit mobile version