Waxaan ahay ul iyo diir
Marna gacal walaalaa
Wadaroo is jeceloo
Waligood waligood is aamina
2x
Wax hagaajin mooyee
Marna wiiq Ismaan odhan
Wax hagaajin mooyee
Marna wiiq Ismaan odhan
Wanaagii dhexdeenana
Wilmada jacaylkana
Waa in laga ilaalshaa
2x
Warba iima haysidee
Sibaad iigu weyntahay
Warba iima haysidee
Sibaad iigu weyntahay
Ilmada eegaa
Macaan iigu weyntahay
2x
Waxa nool aduunyada
Madaw iyo cadaanba leh
Ee weyne uumay
Adaan kaa adaan kaala soo baxay
2x
Wehelkii qalbiga iyo
Wadnahaad ku taalaa
Waaxyaha jidhkaygiyo
Dareenkii naftayduba
Wey kuu hanweyn yihiin
2x
Warba iima haysidee
Sibaad iigu weyntahay
Warba iima haysidee
Sibaad iigu weyntahay
Ilmada eegaa
Macaan iigu weyntahay
2x

Exit mobile version