qaranimo waxaa helaa qoyskii walaalaa
qaybsada dhibaatadoo la qaraara gumaysiga
qoonsoo cadaawaha yuu ku dhaafin qayrkaa
ha u qaadan quudka isticmaar inuu yahay xalaal
qoortoo lagaa jarayaa dhaantee ha qaadan
qaan weeyee, qurux malee, qiilbuu ka dhigan
qaniinyada guumaysiga qoonkii xanuunsaday
waa kuwa qabawgiyo qaaya wacan ku wada nol
qiiraa lagaa rabaa qaban qaabo gobanimo

Exit mobile version