Maxaa dayr cad geel halaaboo
Dibjiray oo cunay dugaagoo
Ninkii lahaa daydayaa
Maxay dantu ciishay wiiloo
Dulqaad iyo deeq lahaayoo
Dadkuna doqon moodayaan

Wakhtigu waa is daba socdaa
Adigoo daganaa abaar
Marbuu dirir kuu da,aayoo
Abeesada kuu fadhida iyo
Daruurtaad ka weecaata

Intay deeqda eebe maqantay
Intay intay deeqda eebe maqantay
Ha dilin hana iga dagaalin
Hirkaa igu yaalee
Wadnahayga damqashada ka daa
Wadnahayga damqashada ka daa

Habeenkaa oo dam yidhiyoo
Qudcurka daahiisa rogayoo
Dabayluhu foodhyayaan
halkii adi kuu darayd
Illaah waa kaa duwaayoo
Dibaad uga joogsataa

Adigu door jooga iyo
Dareemada jiidhi lahaa
Marbuu dayax soo baxaayoo
Abeesada ku fadhida iyo
daruurtaad ka weecataa

Dhuux intuu madaw yahay
Dhuux dhuux intuu madaw yahay
Hadii aana iga dagaalin
Hirkaa igu yaalee
Wadnahayga damqashada ka daa
Wadnahayga damqashada ka daa

Exit mobile version