Ishukeen kalgacalkuye
Aniguba ilaashaday
Aawada shan goorbaan
Shiishiiday samadee

Sida aan shabeel ahay
Shafka aanka reebee
Shacnigiyo wanaag wanaag
Sharaf badanidaa
Wey wey waa sheekaysanaa
Shacnigiyo wanaag wanaag
Sharaf badanidaa
Wey wey waa sheekaysanaa

Shaarliyoo xariiriyo
Sida shucuubta dahabkaa
Shilisaa warkaaganoo
Oo igu shirabanaa

Markaan sheeda kaa dayo
Saw shaashku ima kaco
Shacnigiyo wanaag wanaag
Sharaf badanidaa
Wey wey waa sheekaysanaa
Shacnigiyo wanaag wanaag
Sharaf badanidaa
Wey wey waa sheekaysanaa

Exit mobile version