dawooy sheekadaad
ila doonaysiyo
dookhiyo kalgcal
way i daashadeen
dakharada jacayl
siday ii damqaan
dabka shidan
yartii igu daartaybaan
wali daydayaa
kaligaa degmooy
kuma diidayee
dumarkaba miyaan
dibnaha u furaa
ubax dayr bixiyo
sida geel damala
qurux laguugu deeq
dulqaad kuguma yara
ma dabeecad xumid
waxaa tahay dun wacan

nasteexooy dartaa
duunkio naftaan
dood ula galloo
dareenkaan ku shiday
inaan dacal qabtana
u dadaal galoo
qalbi daalanoo
beri damac helaa
damci waayay taa
ado daacad wada
kuma dayrinine
dahabooy walaal
nabsi hay dul dhigin
ubax dayr bixiyo
sida geel damala
qurux laguugu deeq
dulqaad kuguma yara
ma dabeecad xumid
waxa tahay dun wacan

daruuraha cirkiyo
amba daad socdaan
dhex dabaashayoo
durdurada kalgacal
duni caashaq bay
igu soo dabreen
daymada indhuhu
xusuus daahan bay
wali daawadaan
dawgad martana
naxariis da,diyo
doogiyo ugbaad
rabi kugu dawee
ubax dayr bixiyo
sida geel damala
qurux laguugu deeq
dulqaad kuguma yara
ma dabeecad xumid
waxa tahay dun wacan

Exit mobile version