bad weeyaan suugaantuye hara biyalee weeyaan
qofba halkii uu bogo kaga oon baxaayee

ana halkay iiga beegnayn kalamaan bakhayline
intaan weel ka buuxshaan booga hoo ku leeyahay

adna baabacada tuur ila bood ciyaartoo
batar aynu dheelnee mashxarad iigu sii baaq

barasha maaha maansadu hiba eebe bixiyoo
hido boqole soo jiray lama bawsan karayee

waa dhanbaalka baaqiyo farxad la is bariidiyo
intan buur u mudanbaan bushra eeg ku leeyahay

Exit mobile version