adaa huuno dhag xumo
raxamaan ka dhowryao
dhashii nasaboo adiga
ugu dhaban qurxoon

ruxii ku dhibtaa aduu
layaab kugu dhaygaagta
dhagtii maqashaa adaay
agtaada ku dheefsata

adaa dhaqan xishoon
illah ku dhamaystiroo
adaa dhowrsan sharaf
dhamaantod dumarka dheer

adaa aan dhoolay in badan
dhankaaga eegayo
naftuna ay kula dhacdee
hadmaan dhiganaa aroos

dhayahu waligod ma arag
dhigaaga adoo kaloo
dhalaal badanay ma dhalan
midaan kugu dhereriyaa

Exit mobile version