yartu dhiin dhiin
dhaayo wacaneey
asal dhaladiyo
dhaqan xariiraay
i dhex qaadee
kaalay yara dheelnee

yarku dhiin dhiin
dhigii u roonoow
anba dheegow
kaama dheeri
soo dhawaadee
kaalay yara dheelnee

naf jacayl dhibay
oo dhankaaag
laguma dhaafe
dhaayahaygaa
yartu dhiin dhiin
dhexdu dhiin dhiin

anba dhawr jeer
kuu dhawaaqoo
dhagaysan waydee

dhibicda da'aysiyo
dhulkoo barwaaqo ah
dheehaaga wacan
ee dhamaystiran
midaan ku dhaafsado
hooyo may dhalin
waad igu dheertoo
igu dhex nooshee

Exit mobile version