haasawaheenii inanyahay hilmaantoo
ana hibashadiisii hurdo seexan waayee

hadal haan ma buuxshee inanyahaw ma gayo
iga daa halawsiga hoos u daadag sheekada

in jacaylku halis yahay hami iyo dareen yahay
ana aan ku haybshoo kuu han waynahay ma ogtahay

kuma hawl yaraysane haybadiyo quruxdiyo
inta loo hiloobaa hibo aad ku leedahay

kuma hawl yaraysane haybadiyo quruxdiyo
inta loo hiloobaad hibo aad ku leedahay

waxba ha ii hirwaynine hadaad himilo leedahay
hadalkuna dhab kaa yahay hilin loo maraa jira

hilaadayda weeyee ii hiili geedkiyo
markay tahay hubsiimada oo aan garab kaa helo

hidaheenu waa gobe kaa hiilin maayee
anoon haynba kugu xidhin adiguna haldoor noqo

Exit mobile version