kaafiyaay kafeeyaaay
kartidii haweenkaay
kalgacal koriyaay
kashayda dhayaay

kaalinteeda kaabaay
kalsooni la iigu deeqaay
kadeedkaba adi kugu ilaawaay

kaska ruux ku taalaay
kifaax ruuxa keenaay
kaalmeeyay koolkooliyaay
kun ka roon ka deeqaay

kaahaay i kaalaay
kaabihii noloshaay
kurbada biisaay
kaskayga dagaay

kawkani hablaha kacay
kaligeed tii ka doortaay
kufkeedaba ka rooeey

Exit mobile version