caashaqa muuqdee
ruuxdiyo laabta miranaaya
maanka maaxday iyo
muxubiyo qalbiga muhanaaya

maqalkiyo waa dareen ka dhashay
milicsigaagiiye
malabkiyo adaa iiga macaan
midhihii sooreede

maamuuska adigaa u qalma
milgaha nololee
adiguu marwo gob ihiyo
muhiim MAWLE kaa dhigaye

naftaydan jacaylku malmalayee
muhasho reemaysa
waxay dadku iigu mashquulaan
waa iga maan dadane
ha ii maqlin macaaneey adaa
maanka qaabilaye

dareenka magaabee xiskiyo
laabta mayracaaya
aan ka maagaayee midkalaba
midigta saaraynin

maashee waxaad ku mulkiday
ma hadho weeyaane
marnaba ani ma koobi karo
meqaamka aad leedahaye

ma jaraha dhaqankiyo hidahaad
miciin aad u tahaye
karti muujinta iyo xishoodkaan
kugu majiirtaaye

Exit mobile version