qaloocu hadaanu jirin
qadhaadh nolosuba lahayn
qiimaha dunidaan jireen

hadaan quud loo ordayn
wixii qubta laga samray
dadnimada lagu qancee
hadaan dumar lala qoslay
nolosha lala qaybsanayn
jacaylka cidi qirteenba

waxaad qarsata ku dila
run iyo been ban is qaban
haduu jiro qaadan waa
qosol la noqay qoosi maaha

hadaan qurcidka iyo cadada
iftiinka cadceedu qarin
dabkaad wax ku qaadan lahayd

hadaan qaxa jirin lalaba
haa iyo maya la isku qaban
xaqaan cidi qiri lahayd

hadaan qoys laga uunkamin
tafiirtuna laba qof noqon
quruxi may jirin lahaynba

Exit mobile version