Aheey qalbigaa jeclaaday
Aheey quluubtaa u oyday
Aheey qowlka ay tiraahdo
Aheey igu qaali weeyee

Quursiga mataqaanno erayada
Qabna malaha oo mafaantoo
Qofkii jecel kuma ciyaartoo
Allay lahee waa qanciya

Haweenkeey qaaya dheer tahoo
Quruxda dhaqan baan kuraacoo
Haddii la ii qoray adduunkana
Qeeyrkey ragga waa sad dheerahay

Aheey qudhaydaa arkootoo
Aheey qaamuuskaan ka baaroo
Aheey qiaha ay leedahay
Aheey anigaa u qirayoo

Qacdaan arkaybaan
U qaaday cishqiga
I qaayibtay oo madayn karo
Allaylaheey waaba qoowl baxayee
Qosolka farxadda i jiitay

Haweenkay qaaya dheer tahoo
Quruxda dhaqan baan ku raacoo
Haddii la ii qoray adduunkana
Qeeyrkeey ragga waan sad dheerahay

Exit mobile version