Halka laga ladnaadiyo
Bogiyo sow ma tihid laabta
Barta laga dhaqaaqiyo
Lugtiyo sow matihid lawga

Lafta dhabarka haysiyo
Yartaay sow ma tihid
Saabiriin sow matihid
Kuwa laliya dhiigee
Dhuftiyo sow matihid liiqa
Tiirka nolosha lagu soo hirtiyo
Sow ma tihid layli

Libintayda noloshiyo
Janiyo sow ma tihid laasim
Waxaad ii tahay libtaydee
Dhibtiyo ciilka iga leeci
Hana lurin kalsoonida
Laciif wuu ku lumiyaa

Lahashada qalbiga jiifta iyo
Sow ma tihid luulka
Naf naftayda lagu beeray iyo
Sow ma tihid laanta

Laydha nuurka fidisiyo
Shamsiyo sow ma tihid
Laxaadkayga aragiyo
Indhiyo sow ma tihid laaca
Hedu tay la haysee u luran
Maalin iyo laylba

Exit mobile version