xaqiiq ma dhamado caashaq
laftiyo markuu dhuuxa gaadho
ii dhiib gacantaada huuno
ha dheeran yaan cidloonine

dhalaal dheehaaga muuqu
wuxuu dhaliyaa jacayle
intaad iiso dhawaato
dhabtiyo igu qabo bogaaga

anaa adigana ku dhawran
ku dheehan sidii dhalaanka
dhabay naxdigii dhexdeene
soo koro dhabarkayga kaalay

dhaayaha kolka aan ku saaro
dhadhanka noloshaan helaaye
naftani kugu dhaadanaysa
dhuunko oo adiguna ilaasho

dharaarta qudhee ku waayo
xaqiiq waan dhimasho noolahe
dhawaqaagi codkaaga
iibadi dhinacayga joog

Exit mobile version